nafo
Bildetema
Lexin-Ordbøker på nett
Flerspråkige Verb
Flerspråklige fortellinger
Matematikk begreper
Veiledning till foreldre
Skolekassa
Tospråklige undervisningsopplegg
Lumbrikus
NAFOs filmer

Xuska maalinta afka hooyo

009

Markering av morsmålsdagen på Verdensmesteren skole i Larvik.

Maalintii 11 bisha mars ayaa magaaladda Larvik laga xusay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo oo ku beegnayd  21 bisha febrayo oo laga xusaa meelo badan oo adduunyada ka mid ah. Iyada oo ay sannadkan ku beegmatay fasaxii jilaalka ,ayaa maalintan oo ah maalin ay go`aamisay hay`adda UNESCO ee qaramadda midoobay u qaabilsan waxbarasha ayaa waxa ujeeddada laga lahaa ay ahayd in la ilaaliyo luqadaha kala duwan ee lagaga hadlo caalamkan aynu ku noolahay.


Waxa la sheegaya in ay weli jiraan luqado sii dabar go`aya iyo kuwo dabar go`ay oo aan hadda laba isticmaalin. Si sare loogu qaado qiimaha ay leeyihiin luqada kala duwan ee caalamku ayaa maalintan sannad walba laga xusaa caalamka. Waxaana loogu magac daray maalinta afka hooyo ee caalamiga ah.


Maalintaa sharafta mudan  ayaa looga  dabaal degay magaalada Larvik oo ku taal gobolka Vestfold dalkan Norway dugsiga la yidhaahdo VM(Verdens mester oo ah Xarunta ardayda laba luuqadoodlaha ah ee dalka ku cusub wax algu baro.Halkaasi oo ardayda iyo macalimiinta afka hooyo ay ku soo bandhigeen luuqadaha kala duwan iyo dhaqamadooda lagu soo bandhigay.

004 014 003 002
nafo logo Innholdsansvarlig: Lene Østli , E-post: Denne e-postadressen er beskyttet mot programmer som samler e-postadresser. Du må aktivere javaskript for å kunne se den.   - www.morsmal.no