- 0
- 1
- 2
CARRUURTA QOYSASKA LUQOOYINKA KALA DUWAN KU HADLAHagid ku socota waalidka iyo shaqaalaha xannaanooyinka iyo xarumaha caafimaadka hooyada iyo ilmaha. Wixii faahfaahin ah ka aqriso ... tirsdag, 25 mai 2010 | Hits: 428 Read more |
Link-yo aad ka dalban karto buugag ku qoran af-soomaaliWaxaad link-yada hoos ku qoran aad ka dalban kartaa buugag ku qoran af-soomaaliga ee ka faa'iideysi ... onsdag, 5 mai 2010 | Hits: 510 Read more |
Kulan lagu mideynayo eray bixinta afka soomaaliga![]() Aqoonyahannada Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya oo isugu Yimi Kulan Lagu Midaynayo Erey-bixinta Manhajka Dugsiyada Hoose/dhexe. Laba iyo soddon (32) aqoonayahan oo ka kala socda Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya, ayaa makii ugu horreysay shalay isugu yimi aqoon... tirsdag, 2 februar 2010 | Hits: 471 Read more |
Jaamacadda Hargeysa oo Heshiis Iskaashi la Saxeexatay Mid ka Mid ah JaGuddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, ayaa Isniintii toddobaadkan qallinka ku duugay heshiis rasmi ah oo lagu mataanaynaya Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacadda Carleton oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee ku yaal dalka ... tirsdag, 2 februar 2010 | Hits: 515 Read more |
Shirka barayaasha afka hooyo ee wadanka Norway.![]() Shirka barayaasha afka hooyo ee wadanka Norway oo la qaban doono markiisii ugu horeeyay 14 ilaa 15 april ... tirsdag, 8 desember 2009 | Hits: 866 Read more |
Jaamacaddaha Malaysiya iyo waxa lagu barto![]() Hussein Onn Waa mid ka mid ah jaamacaddaha ugu caansan dalka Malysiya oo hadda ay arday badan oo soomali ahi ay wax ka bartaan. waa maqaal kooban oo ku saabsan taariikhdii jaamacada iyo waxa lagu ... torsdag, 8 oktober 2009 | Hits: 380 Read more |
Jaamacadda Hargeysa oo Heshiis Iskaashi la Saxeexatay Mid ka Mid ah Jaamacadaha ugu Waaweyn Norway
02. februar 2010
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, ayaa Isniintii toddobaadkan qallinka ku duugay heshiis rasmi ah oo lagu mataanaynaya Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacadda Carleton oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee ku yaal dalka Norway.
Kulan ballaadhan oo ay Isniintii la soo dhaafay isugu yimaaddeen madaxda labada jaamacaddood iyo waxgarad hawshan gacan mug leh ka geystey oo isugu jiray arday ka qallin-jebiyey Jamaacadda Carleton, ayaa labada dhinac ku kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo ay yeelanayaan jaamacadaha Hargeysa iyo Carleton.
Munaasibadda saxeexa heshiiska iskaashi ee dhexmaray labada jaamacadooda, dhinaca jaamacadda Carleton waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jaamacadda Kimberly Matheson, madaxa qaybta barashada culuumta bulshada iyo Prof. Allan Moscovitch oo bare ka ah qayta barashada culuumta bulshada ee Jaamacadda Carleton, halka uu Jaamacadda Hargeysa-na qallinka ugu duugay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
http://jamhuuriya.info/index.php?art_id=12222&categ=19&expand=19&file=view_article.tp


